Boqotooyada Sacuudiga oo muwaadiniintiisa kala baxaya dalka Itoobiya

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo dareensan in xaaladda dalka Itoobiya ay ka sii dareyso ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalkaasi ugu yeertay inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan.

Bayaan ay soo saartay Safaaradda Sacuudiga ee dalkaasi ayaa lagu wargeliyay muwaadiniinta u dhashay Sacuudiga inaanay  sii joogin Itoobiya.

“Safaaradda Sacuudi Carabiya ee dalka Itoobiya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Sacuudiga ee ku sugan Itoobiya inay si degdeg uga baxaan, iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta.” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniintaasi looga baahan yahay inay taxadaraan, isla-markaana ay si feejigan kaga soo baxaan dalkaasi.

Wadamada shisheeye qaarkood ayaa diblomaasiyiinta iyo muwaadiniintooda kalaba kala baxaya dalkaasi, inta uu shaqeynayo Garoonka Diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ababa.

Tani ayaa imaanaysa, xilli dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay ay kooxaha fallaagada ku sii siqayeen Caasimadda Addis Ababa.

 

https://www.arabnews.com/node/1962281/saudi-arabia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker