Somaliland: Wafti culus oo ka socda Ciidamada Federaalka Itoobiya oo Hargeysa soo gaadhay.

Wafti culus oo ka socda Itoobiya oo uu hoogaminayo Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General Burhanu kabadha iyo sarakiil kale oo sare.

Madaarka Hargeysa waxa si heer sare ah waftigan ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Waftigan ayaa hawlo shaqo Somaliland u soo gaadhay waxayna la kulmi doonan Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.

Xafiiska warbaahinta Ciidanka Qaranka jsl .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker