Madaxweynaha Faransiiska oo albaabka u furay aqoonsiga Falastiin

Aqoonsiga dowlad Falastiini ah hadda kama ahan wax mamnuuc ah Faransiiska, ayuu yiri madaxweyne Emmanuel Macron Jimcihii, isagoo soo jeediyay in Paris ay go’aan ka gaari karto haddii ay Israa’iil isku daydo in ay hor istaagto dedaallada lagu gaadhayo xalka laba dawladood (Falastiin iyo Israa’iil).

Aqoonsiga Faransiiska ee hal dhinac ah wax badan kama beddeli doono xaaladda dhulka iyada oo aan la helin wada xaajood dhab ah, laakiin waxay miisaan culus leedahay marka la eego mowqif iyo diblomaasiyad ahaanba.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka dhawaajiyay sida uu uga soo horjeedo madax-banaanida Falastiin, isagoo sheegay in aysan u tanaasuli doonin in si buuxda ay ammaanka Israa’iil uga maamusho galbeedka Urdun, taasina ay lid ku tahay dowladnimada Falastiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker