Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyad Ah ku Ansixiyey Odoroska Miisaaniyada 2019

Hargaysa: (OWN)Fadhigii 30aad ee kal-fadhiga 38aad ee Golaha wakiilada JSL oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax Kana soo qayb galeen 60 xildhibaan ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey Xeerka Aas-aasida Hay’adda wadooyinka Somaliland.

Waxa gudoomiyuhu u qaaday Cod odoroska miisaaniyada oo ay la socoto lifaaqa Gudida dhaqaalaha

Waxa Ogolaaday: 46 xildhibaan

Waxa Diiday: 12 xildhibaan

Waxa ka Aamusay 1 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin

Sidaas ayayayna ku ansaxday odoroska Miisaaniyada Qaranka + wax ka bedelkii Gudida dhaqalaha ee golaha wakiilada JSL.

waxa kale oo gudoomiyuhu iclaamiyey in uu goluhu galay 2 bilood oo fasax kana bilaabanta 30 December 2018

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker