Weerar Toorey Oo Lagu Dilay Sarkaal ka tirsan Booliska Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon

Weerar toorey loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay meel ku dhaw xarunta Difaaca dowlada Mareykanka ee Pentagon, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin toorey ku hubeesnaa ayaa dil u geystay sargaal katirsanaa ciidamada booliiska dalka Mareykanka, waxaana isla goobta weerarkaasi ka dhacay ciidamada booliiska ku dileen ninkii weerarka fuliyay halka qof kalana rasaasta ciidamada ku dhaawacmay.

Madaxa Hay’adda Badaadada Ciiddanka Pentagon-ka, Woodrow Kusse ayaa Warbaahinta u sheegay in Sarkaal boolis lagu weeraray DC Metro Bus oo qeyb ka ah Xarunta Transit-ka ee Waaxda Difaaca ee ee Pentagon.

Hay’adda dembi-baadhista booliska Federalka Maraykanka ee FBI ayaa wada baadhitaano ku aadan weerarkan toorey loo adeegsaday, lamana shaacin wali sababta keentay weerarkan lagu dilay sargaalka booliis.

Dalka Mareykanka ayaa si joogta ah waxaa uga dhaca weeraro kala duwan oo qaarkood salka ku hayaan naceyb halka kuwa kalana ay geystaan kooxo hubeesan oo fal dambiyeedyo gacanta kula jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker