Xoghayihii Caafimaadka Britain Oo Iscasilay Kadib Markii Uu Jabiyey Sharciga Xakameynta Covid-19
Xoghayihii Caafimaadka ee dalka Britain Matt Hancock, ayaa waxaa lasoo darsay fadeexad xoogan oo si weyn looga hadal hayo Warbaahinta Caalamka, waxa ayna fadeexadan durba sababtay in uu si deg deg ah isku casilo Xoghayaha caafimaadka Britain.
Matt Hancock, ayaa qirtay in uu sameeyay qalad weyn uuna jabiyay sharciga xakameynta ee cudurka Covid-19, waxa uuna raali galin u diray xukuumadii uu katirsanaa iyo shacabka Britain oo ka carooday fadeexada lasoo daristay.