Volker Türk oo cambaareeyay qaabka guracan ay Israel ula dhaqmeyso dadka Gaza
Volker Türk, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay nidaamka gargaarka ay Israel dooneyso in ay uga qaybiso Marinka Gaza, xilli ay gaajo daran ka jirto dhulka go’doonsan.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay tahay mid qalbi xanuun leh oo muujineysa ixtiraam la’aanta Israel ee shacabka Falastiin, ka dib markii ciidamadeeda ay Axaddii dileen tobanaan qof oo gaajeysan, xilli ay gargaar u soo doonteen goobta gargaar qaybinta ay Israel ka sameysay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Volker Türk ayaa Israel ku eedeeyay in ay Falastiiniyiinta reer Gaza gaarsiisay xaalad quus ah, ka dib markii ay muddo saddex bilood ku dhow xanibtay raashiinkii iyo sahaydii dawada ee Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ay gaynayeen Marinka Gaza.
“Waxay muujineysaa in xaalad bani’aadantinimo oo aad u daran lagu hayo dadka baahida weyn u qaba in ay helaan cuntada iyo dawada.” Ayuu yiri Volker Türk.
Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in Axaddii isbitaalkeeda Rafah la soo gaarsiiyay 179 qof oo 21 ka mid ah ay dhinteen. ICRC waxay sheegtay in dhibaneyaasha ay ku jiraan haween iyo carruur.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa dhimashada ku sheegtay 31 qof iyo dhaawaca 176 kale. Hay’addan ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay beegsadeen kumanaan rayid ah oo baahi ay qabaan awgeed u yimid agagaarka xarunta gargaar qaybinta ay Israel ka furtay deegaanka Rafah.
Dadkii ka badbaaday toogashadaasi ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay si toos rasaas ugu soo fureen, iyagoo ka ag-dhow goobta, isla-markaana sugaya gargaarka.
Militariga Israel ayaa gebi ahaanba diiday in ciidamadooda ay rasaas ku fureen dadkii gargaarka bani’aadantinimo u soo doontay goobta.
Militariga ayaa war uu soo saaray ku sheegay in wararka arrintan la xiriira ay yihiin kuwo been abuur ah, isla-markaana aanay ciidamadoodu wax rasaas ah ku furin dad rayid ah oo goobta ka dhawaa amaba ku sugnaa.
Xarunta Rafah ayaa waxaa toddobaadkii hore ka shaqo bilaabay NGO lagu magacaabo Gaza Humanitarian Foundation (GHF), kaas oo Israel ay u xulatay keenista gargaarka iyo inay ka qaybiyaan gudaha Gaza, isla-markaana uu Mareykanku taageeray, balse ay si adag uga horyimaadeen Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dalal uu Shiinaha ka mid yahay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo dhacdadaasi, oo ay ku dhinteen sida uu sheegay ugu yaraan 31 qof oo rayid ah.
Xoghaye Guterres ayaa sheegay in uu ka naxay tallaabada lagu beegsaday ee dhimashada iyo dhaawacaba uu ka soo gaaray Falastiiniyiinta soo doonatay kaalmada bani’aadantinimo.
“Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo madaxbannaan loo baaro dhacdadaasi, lalana xisaabtamo dembiileyaasha.” Ayuu yiri Guterres oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed uu Isniintii soo saaray.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaana uu ku dhalleeceeyay in aanu soo hadal qaadin Xamaas.
Israel ayaa 2-dii bishii March soo rogtay xayiraad guud oo ka dhan ah gargaarkii uu caalamka gaynayay Marinka Gaza, inkastoo ay 18-kii bishii hore ee May ogolaatay in gargaar aasaas ah la geeyo Gaza.
Israel ayaa diidan in Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ay gargaarka keenaan Gaza, laguna qaybiyo Xarumaha Qaramada Midoobey ee weli taagan ee ku yaala gudaha Gaza. Ciidamada Israel ayaa burburiyay inta badan xarumihii ay Qaramada Midoobey ku lahayd Marinka Gaza.
Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa 4-tii May ansixiyay hindise cusub, oo keenista iyo qaybinta ee gargaarka Gaza loogu wareejiyay shirkado gaar loo leeyahay oo Mareykan ah.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in Xamaas ay xaddo buu yiri gargaarka.
Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa gaashaanka u daruurtay in Xamaas ay xaddo gargaarka, iyadoona ururka reer Falastiin ka fogeysay eedeyntaasi, haddii aan wax caddeyn ah loo hayn in ururku uu leexsado gargaarka loogu talagalay dadka rayidka ah.
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Shiinaha ayaa cambaareeyay tallaabada ay Israel ku carqaladeynayso shaqada ay hay’adaha waaweyn ee bani’aadantinimada muddada dheer ka wadeen Marinka Gaza, waxayna ka diggeen in gargaarka loo adeegsado, sida hub oo kale.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horreysay hoos u dhigay baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaanan la siyaasadeyn gargaarka naf badbaadinta, isagoona muujiyay in aysan ogolaan karin in Qaramada Midoobey ay gargaar macno leh gaarsiiso dadka Gaza, si wax looga qabto masiibada bani’aadantinimo ee sida aan horey loo arag ugu baaheysa qaybaha Gaza oo dhan.
Tan iyo markii Israel ay bishii October ee sanadkii 2023 weerartay Marinka Gaza, xiriirka Tel Aviv iyo Qaramada Midoobey ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay.
Muddada uu socdo dagaalkan, Ciidamada Israel ayaa boqolaal ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee hay’adaha caalamiga ah ku dilay Gaza, waana shaqaalihii ugu badnaa taariikhda Qaramada Midoobey ee goob qura lagu dilo wax ka yar muddo laba sano ah.