Hoggaamiyaha sare ee Iran oo diiday dalabyo ugu yimid Maraykanka

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa diiday dalabka Mareykanka ee ahaa in Iran ay joojiso tayeynta Uranium-ka si loo gaaro heshiis Nukliyeer ah. Wuxuu ku tilmaamay dalabkaas mid ka hor imaanaya danaha qaranka ee Iran.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib shan wareeg oo wadahadallo ah oo u dhexeeyay Washington iyo Tehran. Iran waxay muddo dheer ku andacooneysay in barnaamijkeeda nukliyeerku uu yahay mid nabadeed oo aan loogu talagalin wax hub ah.

Laakiin waxa ay xoojisay kaydkeeda uranium-ka ilaa heer uu u dhowyahay kan loo adeegsado samaynta hubka nukliyeerka.

Madaxweyne Donald Trump, oo horey uga baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015, ayaa ku hanjabay in Mareykanku uu qaadayao tallaabo militari oo ka dhan ah Iran haddii aan heshiis cusub la gaarin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker