Dagaal xooggan oo Ismaamulka Gaarisa ku dhex maray Al Shabaab iyo ciidanka Kenya
Sida ay ku warramayso warbaahinta gudaha Kenya afar qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar subaxnimadii hore ee Isniintii ay kooxda howlgallada gaarka ah (SOG) ka fuliyeen Ismaamulka Gaarisa.
Hawlgalka ayaa Ciidanka Boolisku ku sheegeen in uu ahaa mid qorshaysan oo ay sirdoonku hoggaaminayeen, kaas oo ka dhacay deegaannada Naajo iyo Guracho oo la aaminsan yahay in ay yihiin goobo muhiim ah oo ay ka hawl-galaan kooxdani.
Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in uu dhacay intaasi kaddib oo uu dhex maray dhinacyada.
“Markii la weeraray godka ay ku jireen, waxaa xisgtay rasaas xooggan oo la is weydaarsaday, waa se laga awood roonaaday argagixisada Al-Shabaab,” ayaa uu yidhi boolisku Talaadadii.
Ciidanka Kenya ayaa sheegay in furteen hub ay ku jiraan AK-47 ah, qori PKM ah, rasaas badan iyo qalab isgaadhsiineed