Alshabaab oo soo bandhigtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Burundi ee ka baxay Xawaadley

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay lahaayeen ciidamada Burundi, kuwaas oo dhawaan isaga baxay tuulada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Diyaaraddan oo lagu daabulayay ciidanka Burundi ee ku sugnaa Xawaadley, ayaa la sheegay in ay cilad farsamo qabsatay, taasoo keentay in si degdeg ah loogu dajiyo meel u dhow dhul ay Al-Shabaab maamulaan.

Askartii la socotay diyaaradda iyo kabtankii waday ayaa ka cararay goobta markii ay si nabad ah diyaaraddu u degtay, taasoo fursad siisay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab inay si sahlan ula wareegaan.

Tani waa diyaaradii ugu horreysay oo aan burbur xooggan soo gaarin oo ku dhacda gacanta kooxda Al-Shabaab, waxaana aan la hubin in ciidamada Burundi ay awoodi doonaan inay dib u qabsadaan.

Al-Shabaab ayaa hadda gacanta ku haysa inta badan deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku sugan yihiin meelo ku dhow dhow degmada Jowhar, oo ah caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle oo lagu tiriyo maamul tan iyo sidii loo dhisay aan awood u yeelan inuu maamulo degaanadiisa ama ka difaaco Alshabaab ayaa ku tiirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kaste ha ahaatee, diyaaraddan ku dhacday aagga Xawaadley ayay warar is khilaafsan kasoo baxayaan. Alshabaab ayaa sheegtay inay soo ridday, halka howlgalka AUSSOM uu sheegay in diyaaraddan cillad farsamo awgeed ay ugu degtay aagga Shabaabku maamulaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker