Xamaas oo Maraykanka ku eedaysay in uu u eexanayo Israa’iil
Waddamda Masar iyo Qatar ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen in ay sii wadayaan dadaalkooda ku aaddan “ka gudbidda khilaafaadka” si loo gaadho xabbad-joojin ka dhacda Marinka Gaza, “oo ku saleysan soo jeedinta ergayga Mareykanka Steve Witkoff.”
Bayaanka ayaa loogu baaqay “dhammaan dhinacyadu in ay taageeraan dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha si loo soo afjaro dagaalka” iyo “in la dhaqan geliyo qorshaha dib-u-dhiska ee uu ansixiyay shir madaxeedka Carabta ee March 4, 2025.”
Taas bedelkeeda, sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxdu ay si wanaagsan uga jawaabtay soo jeedinta, ayna raadinayso in wax laga beddelo, iyada oo aan la sheegin nooca ay yihiin. Dhanka kale, Bassem Naim, oo ah hogaamiyaha Xamaas, ayaa sheegay in Xamaas ay Witkoff la gaadhay isfahan, balse Israa’iil ay diidday dhammaan qodobadii lagu heshiiyay. Naciim ayaa beeniyay in ay kooxdu diidday soo jeedinta Witkoff, isaga oo sheegay in jawaabta Israa’iil ay kasoo horjeedo wixii lagu heshiiyey.
Naciim ayaa ku eedeeyay ergeyga Mareykanka in uu si buuxda ugu eexday dhanka Israaโiil.