Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo wajahaya mushaar la’aan dhowr bilood ah
Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Puntland ayaa wajahaya mushaar laโaan baโan, iyadoo aysan wax mushaar ah qaadan muddo afar bilood ah sanadkan 2025.
Qaar kamid ah shaqaalaha oo la hadlay HOL ayaa u sheegay in sanadkan oo dhan kaliya ay heleen mushaarka bishii February, kaas oo la bixiyay bisha March. Taas micnaheedu waa in ay afarta bilood ee ugu dambeysay ku shaqeynayeen iyagoo aan wax mushahar ah helin.
Intaas kaliya maaha, isku darka muddada mushaar laโaanta ah ee shaqaalaha rayidka Puntland tan iyo sannadkii hore ayaa gaaraya illaa 10 bilood.
Mushaar laโaanta joogtada ah ayaa saameyn xooggan ku yeelatay shaqada hayโadaha dowladda, iyadoo ay jiraan xafiisyo badan oo hakad galay ama si gaabis ah u shaqeynaya. Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli maamulka Puntland uu horay u joojiyay shaqaaleysiinta cusub tan iyo sanadkii hore.
Goโaankaasi waxa uu ka dambeeyay amar kasoo baxay Madaxweynaha Puntland, kaddib markii la ogaaday in qaar kamid ah wasiirrada xukuumaddiisa ay si qarsoodi ah dad ka tirsan qoysaskooda ugu darayeen liiska shaqaalaha dowladda.
Wasiirka Maaliyadda Puntland oo baarlamaanku wax ka weydiiyay mushaar laโaanta shaqaalaha dowladda ayaa ku sababeeyay hoos u dhac dhaqaale oo yimid, isagoo sheegay in hoos loo dhigay kabkii miisaaniyadeed ee ay Puntland sanad walba ka heli jirtay Bangiga Adduunka.
Arrintaan ayaa kusoo aadaysa, xilli sidoo kale hayโadaha caalmaiga ah ee Puntland ka howlgalla ay fasaxayeen boqolaal kamid ah shaqaalahooda, kaddib markii taageeradii dhaqaale laga jartay hayโadaha ay la shaqeynayeen.