Saldhig Boolis oo laga Dhisayo Waqooyiga Magaalada Hargeysa
Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland, Sarreya Guuto Cabdi-dheere Maayar ku xigeenka Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar ayaa maanta siwadajir ah u dhagax dhigay Saldhig Boolis oo ay yeelan doonto Xaafadda Cawo Dhalad ee Degmada 26 June.
Maayer ku xigeenka ayaa sheegay in dhismaha Saldhiga ay iska kaashadeen Dawlada hoose ee Hargeysa, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland iyo sidoo kale dadwaynaha ku nool xaafada saldhiga laga dhisayo.
Waxa kale oo uu Maayer ku xigeenka degmada Hargeysa xusay in cabirka uu ku fadhiya saldhigu yahay 60 mitir oo dherer ah halka balaciisu noqon doono 20 Mitir, iyadoo aanu ku koobnaan doonin saldhig kaliye ah balse uu yeelan doono qaybtii ay ku hawl galilahaayeen Ciidanka nabadgaleyada wadooyinka Somaliland.
Waxaanu yidhi. “Dhererka Saldhigu waa 60 mitir halka balaciisuna yahay 20 mitir, wuxu yeelan doonaan qaybtii ciidanka ilaalada nabadgalyada waddooyinka iyo qaybihii kale ee ay ciidanka Boolisku ku shaqayn lahaayeen”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdi-dheere ayaa waxa uu sheegay iyagoo fulinaya balan qaadkii madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, oo ahaa tayeyta Ciidamada ay ku guda jiraan dhismaha dhaldhiyo ay u gartaan hadba halkii u baahan.
Waaxanu yidhi.”Annagoo fulinayna siyaasadii madaxwaynaha JSL, oo ahayd tayeynta Ciidamada waxanu u garanay halkan in aan ka hirgalino saldhi taasi oo baahiwayn u qabeen deegaankani”.
Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in kharashka ku baxaya iska kaanayaan Dawlada hoose bulshada degmada iyo Taliska booliska balse hirgalinta dhismaha saldhiga ay fulinayaan dawdalaha hoose iyagoo balan qaadayn in lagu dhamayn doono mudo laba bilood ah.