“Markay Dabayluhu dhacayaan dadka maanka gaabani waxay eegaan Dhimbiisha geedka ka daadanaysa” Gudoomiye Ku-xigeenka gobolka M/jeex
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-Jeex Cabdiwali Cabdi Jaamac oo ka qayb galay xaflad Kaadiriinta xisbiga Waddani ay ku taageerayeey Safarka madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ee dalka Kenya ayaa sheegay in aanay diplomaasiyadu ahayn faan iyo Been la sheego balse ay tahay aamusnaan iyo ka dhabaynta hadafkaaga.
“Diblomaasiyadu Maaha Baane iyo Faan ee waa Aamusnaan” Gudoomuye ku xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex ayaa sidaas yidhi.
Gudoomiye Kuxigeenka ayaa sheegay in dadka qaar ay marka dabayluhu dhacayaan eegaan dhimbiisha geedka geedka ka daadata balse aanay eegin Jirida Jirada geedka isagoo ku sifeeyey Madaxwaynaha Somaliland geedka jiridiisa oo ah kan aanay dabayshu dhaqaajin isla markaana madaxwaynuhu yahay mid aanay u baqayn kalsooni buuxadana ay ku qabaan safar kasta oo uu dalka dibadiisa ugu baxo iyo hogaaminta dalka.