Haweeney loo haysto dilka soddohdeed iyo soddogeed oo maxkamad la soo taagay
Haweeney u dhalatay Australia oo lagu magacaabo Erin Patterson ayaa sharraxaad ka bixinaysa dacwado loo haysto oo ku saabsan dilka dad qaraabadeeda ah.
Ms Patterson, oo 50 jir ah, ayaa lagu eedeeyay in ay dishay saddex qof oo qaraabadeeda ah, mid kalena ay dhaawac halis ah gaadhsiisay iyada oo sun ugu dartay hilib lo’aad. Iyadu waa ay beenisay.
Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in falkaasi uu ahaa mid ula kac ah lakaiin qareennada ayaa ku doodaya in uu ahaa shil aan loogu teli gelin. Dadka dhintay waxay kala yihiin soddogeed iyo soddohdeed iyo dumaashideed oo la dhalatay ninkeedii ay kala tageen.
Ms Patterson ayaa maxkamada u sheegtay in xidhiidhka kala dhaxeeyay soddohdeed uu xumaaday 2023-kii.