Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday dad u doodayay la haystayaasha Israa’iil

Lix qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Boulder ee gobolka Colorado ee dalka Maraykanka kaddib markii dab la qabadsiiyay dad bannaan-baxa ka dhigayay halkaasi.

Dadka la weeraray ayaa qabanayay dibad-bax ay kaga soo horjeedaan lahaystayaasha Israa’iil ee ku xidhan Qasa.

FBI-da Maraykanka ayaa falkan ku tilmaantay mid argagixiso noqon kara. Dhacdadan ayaa lagu eedeeyay nin magiciisa lagu sheegay Maxamed Sabry Soliman oo 45 jir ah oo u dhashay dalka Masar kaasi oo dal-ku-galkiisu uu dhacay 2023-kii sida ay ku warrantay CBS oo wada shaqayn la leh BBC-da.

Muuqaal la soo bandhigay ayaa muujinaya dad isku dayaya inay caawiyaan kuwa dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israaโ€™iil ayaa ku tilmaamay dhacdadan โ€œWeerar Argagixiso oo nacayb ah oo la la beegsaday dadka Yuhuudda ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker