Dowladda Fedaraalka Somaliya oo faahfaahin ka bixisay duqeymo laga fuliyay gobolka Bari

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka oo lala eegtay kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ay iska kaashadeen dowlada Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa ahedy laba duqeyn oo dhanka cirka ahaa.

“Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari” yaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya laguma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay labada duqeyn ee kala dhacay 1-dii bishan Juun iyo 31-kii bishii dhanaatay May.

“Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga  mahadcelisay Taliska AFRICOM taageerada dhanka duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagixisada ee Daacish iyo Al-shabaab, waxayna mar kale ku celisay dowladda Fedaraalka iney ka  go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka kooxaan, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker