AFRICOM oo ka digtay kororka xawliga ah ee kooxda Daacish ee Afrika
– Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika.
Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Janaraal Michael Langley, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Saaxil ay si xawli ah u kordheen saddexdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu uga digay in haddii aan wax laga qaban kooxahan ay dhawaan heli karaan awood ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Mareykanka.
In kasta oo Janaraal Langley uusan si cad u sheegin in Mareykanku yareynayo tirada ciidamadiisa ku sugan Afrika, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in masโuuliyadda sugidda amniga ay tahay mid ay tahay in ciidamada Afrikaanka ah si buuxda u qaataan.
โIstaraatiijiyaddeennu waxay ku dhisan tahay iskaashi. Waa yool wadaag ah oo lagu sugaayo amniga dalalkayaga iyo kuwa saaxiibadeenaba,โ ayuu yiri. โWaa dhisidda awood waarta, ma aha ku tiirsanaan. Waa maalgashi lagu sameynayo awoodda Afrika ee xalinta dhibaatooyinka Afrika.โ
Janaraal Langley, oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka islamarkaana hoggaaminaya AFRICOM tan iyo 2022, ayaa tilmaamay in gobolka Saaxil uu hadda noqday โxudduntaโ argagixisada Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish ay si firfircoon uga howlgalaan dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, iyo Nigeria.
โMid ka mid ah yoolalka cusub ee kooxaha argagixisadu waa inay helaan marin xeebeed oo ay uga gudbaan Galbeedka Afrika,โ ayuu yiri Langley, isagoo la hadlayay weriyeyaasha.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladdan ay si weyn u kordhin karto halista ah in weerarro lagu qaado xeebaha Mareykanka.
โWaxaan luminay awooddii aan si dhow ula socon jirnay dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada,โ ayuu yiri.
Jimcihii la soo dhaafay, Janaraal Langley wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay taliyayaal ciidan oo Afrikaan ah, shir looga hadlayay xaaladda amni ee qaaradda Afrika.
Isagoo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya, Langley wuxuu sheegay in AFRICOM ay laba jibbaartay weerarrada cirka ah ee ay halkaas ka fuliso sanadkan. Wuxuu xusay in in ka badan 25 weerar la qaaday, taasoo ka badan tiradii sanadkii hore oo dhan.
Si kastaba, wuxuu hoosta ka xariiqay in guusha waarta aysan ku imaan karin keliya awood ciidan, balse loo baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo wax ka qabata sababaha salka u ah xasillooni darrada.