Puntland oo sheegtay in 15 xubnood oo Daacish ah lagu dilay howlgalkii lagu xoreeyay togga Miiraale
Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ay shalay ciidamada Puntland kula wareegeen taliskii kooxda Daacish ee ku yaallay deegaanka Miiraale, kadib howlgal dhul iyo cir iskugu jiray oo ay ka fuliyeen gudaha toggii iyo ceelkii Miiraale.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo lagu beegsaday inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baallade, ka hor intii aysan firxan.
Ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in ay si adag u daba galeen firxadkii kooxda oo kala firdhay dhulka howdka ah.
Taliska ciidanka ayaa sheegay in howlgalka ay ka qayb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa kale ee saaxiibada caalamka, kuwaas oo duqaymo toos ah ku beegsaday bartilmaameedyada kooxda Daacish.
Taliska Miiraale ayaa noqonaya fariisinkii ugu dambeeyey ee kooxda Daacish ku lahaayeen deegaannada Calmiskaad, taasoo ka dhigan guul weyn oo dhinaca ammaanka ah oo ay gaareen ciidamada maamulka Puntland.
Saraakiisha difaaca Puntland ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan illaa laga cirib tirayo gebi ahaanba khatar kasta oo amni darro ah oo ka jirta deegaannada maamulka Puntland.