Mareykanka oo soo jeedin heshiis nukliyeer u diray Iiraan
Mareykanka ayaa Iiraan u diray hindise ku saabsan heshiiska nukliyeerka ee u dhaxeeya Tehran iyo Washington, Aqalka Cad ayaa Sabtidii xaqiijiyay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabaas Araghchi ayaa sheegay in dhiggiisa Cumaan Badr Albusaidi uu u soo bandhigay “qeyb ka mid ah heshiiska Mareykanka” xilli uu booqasho gaaban ku tagay caasimadda Iiraan.
Arrintan ayaa timid ka dib markii warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan nukliyeerka ay sheegtay in Iiraan ay sii kordhisay wax soo saarka yuraaniyaamta la tayeeyay, taasoo qayb muhiim ah ka ah samaynta hubka Nukliyeerka.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa Sabtidii sheegtay inay “danta ugu wanaagsan ee Tehran ku jirto inay aqbasho” heshiiska, iyadoo raacisay: “Madaxweyne Trump wuxuu caddeeyay in Iiraan aysan weligeed heli karin bam nukliyeer ah”.