Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay agaasimaha NISA

Golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shir ay saakay yeesheen waxay mar kale ku magacaabeen Mahad Maxamed Salaad inuu noqdo agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Mahad ayaa beddelaya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Go’aanka ayay golaha wasiirradu ku gaareen shir degdeg ah oo ay saakay ku yeesheen Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa xilka hayay tan iyo bishii April ee sanadkii hore, halka Mahad Salaad uu kaga horreeyay oo uu xilkan hayay May 2024 ilaa markii Sanbaloolshe loo dhiibayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker