Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr wasiir arrimo dibadeed oo Carbeed ka mamnuucday in ay galaan Daanta Galbeed ee la haysto oo ay shir ku lahaayeen magaalada Ramallah.

Diblumaasiyiin sarsare oo ka socda Sacuudiga, Urdun, Masar, Qatar, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa inay Axadda la kulmaan Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan ah, maaddaama ay xustay in maamulka Falastiin uu qorsheynayo inuu booqashadiisa u adeegsado soo nooleynta baaqyada ku aaddan abuuritaanka dowlad Falastiin.

Wadamada Carabta ayaa isku dayaya in ay xabad joojin ka dhex dhaliyaan Israa;iil iyo Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker