Daadad 110 qof ku dilay Nigeria
Ugu yaraan 110 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay bartamaha Nigeria, sida ay saraakiisha dalkaas u sheegeen BBC.
Roobka ayaa socday dhowr saacadood, sida uu sheegay madaxa hay’adda gargaarka gobolka, Cabdullaahi Baba-Arah.
Wuxuu intaa ku daray in daadadka ay biyo dhigeen ilaa 50 guryo oo la degganaa, gaar ahaanna ku yaalla magaalada Mokwa.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay ka xun tahay khasaaraha daadadka, iyadoo sheegtay in hay’adaha ammaanka iyo gargaarka goobta loo diray si ay gacan uga geystaan baadi-goobka iyo samata-bixinta.