Ciidamada Puntland oo si buuxda ula wareegay Togga Miiraale oo ay Daacish ka carareen

Ciidamada amniga Puntland ayaa si buuxda ula wareegay saldhiggii ugu weynaa Daacish ee kuyaalay Togga Miiraale, halkaas oo ahayd goob istaraatiiji ah oo ay Daacish ku lahayd saldhigyo waawayn.

Sida ay u sheegeen saraakiil dhinaca amniga ah warbaahinta HOL, ciidamada ayaa gudaha u galay saldhiggan waaberigii saaka, iyagoo ka helayay taageero duqeyn ah saaxiibada caalamka

Intii aan howlgalka la bilaabin, kooxda Daacish ayaa madaafiic ku garaacday xarumaha ciidamada Puntland.

Firxadkii kooxda Daacish ayaa u baxsaday deegaanka Sadow oo ka tirsan togga Baalade, kuna dhow magaalada Boosaaso, halkaas oo ay horey uga jireen xubno kale oo katirsan kooxda Daacish.

Weli lama xaqiijin in xubno ka tirsan Daacish lagu dilay howlgalka saakay, balse ciidamada ayaa ku guda jira qiimeyn la xiriirta hawlgalkii dhacay, waxayna baarayaan miinooyin laga yaabo in ay Daacish ku xireen goobihii laga saaray.

Togga Miiraale ayaa muddo toban sano ah fariisin joogto ah u ahaa kooxda Daacish, waxaana halkaas ku yaallay ceelal biyood iyo beero ay lahaayeen Daacish.

Dhawaan, ciidamada Puntland ayaa isaga baxay qeybo kamid ah togga Miiraale oo ay gudaha u galeen, iyagoo ka baqay in lagu go’doomiyo ciidamadooda maaddaama aysan heli karin gurmad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker