Wasaaradda Kalluumeysiga Yemen oo Puntland ugu baaqday in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Kalluumeysato Yemeniyiin ah

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Kalluumeysiga dalka Yemen Sarreeye gaas, Salem Abdullah Al-Soqtari, ayaa xaqiijiyay in Wasaaraddu ay si dhow ula socoto kiiska kalluumeysatada Yemeniyiinta ah ee ku xiran Puntland.

Waxa uu wasiirka carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo, isla markaana ay si nabad ah ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, si dib ay ula midoobaan qoysaskoodi.

Al-Soqtari waxa uu tilmaamay in Wasaaradda oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha ay khusayso ay dadaal xooggan ugu jirto daba-galka kiiskan oo heer walba ah.

Waxa uu sheegay in kalluumaysatada la xiray ay ku hawlanaayeen hawlahooda dhinaca badda ah oo ay ka samaynayeen goobo ay waligood ka kalluumeysan jireen oo ay muddo tobanaan sano ah ay imaanayeen kalluumaysatada Yemen.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulan uu xafiiska guud ee Wasaaradda kula yeeshay Injineer Yaslam Siciid Babalghum oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Badda Carabta, isagoo warbixin ka siiyay xaaladda kalluumaysatada Yemen ee u xiran Maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Wasiirka Socotri waxa uu ku amray Guddoomiyaha Hay’adda Kalluumaysiga ee Badda Carabta inuu warbixin degdeg ah oo dhammaystiran ka soo diyaariyo kiiska kalluumaysatada la xiray iyo xaaladihii keenay xarigooda, si Wasaaraddu ula xiriirto dhammaan dhinacyada ay khusayso si loo sii daayo.

Al-Socotri ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka bulsho ee ka dhexeeya muwaadiniinta labada dal iyo danaha guud ee mideeya, Wuxuu xusay hab-dhaqanka wanaagsan, sida loola dhaqmo, iyo tas-hiilaadka ay u fidiyaan kalluumaysatada Soomaaliyeed ee yimaada dalkooda si la mid ah in loola tacaamulo kalluumaysiga Yemen.

Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor ay hay’adaha ammaanka Puntland ay xabsiga dhigeen 26 kalluumeysato Yemen iyo doonidii ay wateen, iyadoo ay jireen is-faham iyo heshiisyo hab-maamuus ah oo lagu xakameynayo kalluumeysiga labada dal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker