Qaar ka mid ah Waddamada Khaliijka oo dedaal ku bixinaya Aqoonsiga Somaliland
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska dalka Ingiriiska ka soo baxa ee The Guardian, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Maraykanku ay ku hawlan tahay xidhiidh xooggan oo lala yeesho Somaliland iyada oo dhowaan dalka ay soo booqdeen saraakiil ka tirsan ciiddamada Maraykanka kuwaas oo uu hoggaaminayayey Taliyaha ciiddamada Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika.
Sidoo kale Wefti kale oo Maraykanka ka socda ayaa la filayaa in ay dhowaan dalka yimaaddaan sida uu madaxweynuhu sheegay kuwaas oo booqan doono magaalada Berbera oo ah halka uu Maraykanku ka samaysanayo saldhigiisa Mileteri.
Sida ku xusan warbixinta The Guardian, dawladdo waaweyn oo ay ku jiraan dalal ka tirsan Khaliijka Carabta ayaa ku hawlan sidii Somaliland loo aqoonsanaa lahaa, halka maamuulka madaxweyne Trump uu si weyn u beddelay aragtidii Washington ee ku wajahnayd Somaliland isaga oo ka soo dabcay in Somaliland loo tix geliyo meel Soomaaliya ka tirsan.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in la joogo wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland isaga oo tibaaxay in hadda dalku ku taagan yahay dhabbihii dunidu ku aqoonsan lahayd.
Soomaaliya ay dhowaan qaaday tallaabooyin ay ku joojinayso xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka kuwaas oo ay ka mid ahayd waraaq toos ah ay Muqdisho u dirtay madaxweyne Trump balse arrimahan ayaa u muuqda in ay noqon waayeen sidii Soomaaliya doonaysay.