Maxkamadda sare ee Maraykanka oo u ogolaatay Trump inuu sharciga kala noqon karo muhaajiriin ilaa 500,000
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa awoodda si kumeel gaar ah ugala laaban karo sharciga, in ka badan 500,000 oo muhaajiriin ah oo ku nool Mareykanka, sida ay go’aamisay maxkamadda sare ee Mareykanka Jimcihii.
Xukunku ayaa hakiyay amar hore oo xaakin federaal ah uu kaga joojinayay maamulka inuu soo afjaro barnaamijka socdaalka ee “sii-dayn sharafeedka” ee uu aasaasay madaxweynihii hore Joe Biden.
Barnaamijka ayaa difaac siinayay soo galootiga ka soo qaxay arimaha dhaqaalaha iyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalalkooda.
Amarka cusub ayaa ka dhigan in ku dhawaad 530,000 oo muhaajiriin ah oo ka yimid Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay halis ugu jiraan in la tarxiilo.
Garsoorayaasha Ketanji Brown Jackson iyo Sonia Sotomayor, oo ah laba ka mid ah saddexda garsoore dhanka dimuqraadiga ee maxkamadda ayaa diiday.