Maxkamadda racfaanka Mareykanka oo hakisay go’aankii lagu laalay canshuurihii Trump
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay go’aanka maxkamadeed ee lagu hakiyay qorshihiisa canshuuraha caalamka mid laga naxo, khalad iyo mid siyaasadeed.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayay ayuu sheegay, in go’aanka garsoorayaasha takhasuska leh ay baabi’in doonto awoodiisa madaxtinimo.
Qorshaha canshuuraha waxa si ku meel gaar ah u laashay maxkamada rafcaanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadda sii wadi kara qaadista canshuuraha wax soo dejinta, sida ay sheegtay maxkamadda racfaanka, maalin kadib markii go’aan ganacsi uu ku helay in inta badan canshuuraha caalamka uu yahay mid sharci darro ah.
Maxkamad racfaan oo heer federaal ah ayaa ogolaatay dalab ka yimid Aqalka Cad oo ah in si ku meel gaar ah loo joojiyo amarkii maxkamadda hoose, kaas oo lagu go’aamiyay in Trump uu ku takrifalay awooddiisa ka dib canshuuro uu ku soo rogay dalal qaar ee caalamka, tallaabadaas oo dhabar jab weyn ku ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah siyaasadiisa dhaqaale ee dalkaas. Maxkamadda Caalamiga ah ee Ganacsiga ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanku uu Congress-ka siinayo awoodo gaar ah oo uu ku maamulo ganacsiga dalalka kale.