In ka badan 20 dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyootay Badda u dhaxaysa Spain iyo Algeria

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 20 qof oo tahriibayaal Soomaali ah oo u badan dhallinyaro da’yar ah ayaa ku geeriyootay badda Mediterranean-ka, kuwaas rajo ka qabay iney gaareen Jaziiradda Palma ee dalka Spain.

Dhalinyaradaan tahriibka ahaa ayaa ka ambabaxay dalka Algeria, waxaana lasoo wariyay iney u geeriyoodeen gaajo iyo haraad, kadib markii doontii yareyd oo ay la socdeen ay ku degtay badda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba qof oo kaliya ka badbaaday doonta degtay, kuwaas oo da’doodu ka yar tahay 18 sano, waxaana badbaadiyay markab ganacsi oo halkaas marayey kadib markii ay dhawr maalmood dul socdeen badda cunto iyo biyo la’aan.

Kooxaha qaabilsan adeegyada degdega ah ee Jasiiradda Palma ayaa xaqiijiyay in labada caruurta ee la badbaadiyay oo aan qaan gaarin ay hadda helayaan daryeel caafimaad iyo taageero maskaxeed oo deg deg ah.

Masuuliyiinta dalka Spain ayaa billaabay baaritaan ay ku ogaanayaan dadka dhintay, islamarkaana ay ku ogaanayaan tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan baxitaanka doonta iyo xaaladihii keenay musiibada dhacday.

“Tani waa xusuus kale oo qalbi jabin leh oo ku saabsan khatarta muhaajiriinta ay la kulmaan marka ay ka soo cararaan faqriga, colaadaha, iyo xasilloonida cimilada,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Waddada Bartamaha Mediterranean-ka ayaa weli ah mid ka mid ah waddooyinka socdaalka ugu dhimashada badan adduunka, waxaana sanad kasta ku dhinta kumanaan muhaajiriin ah oo badankoodu ka taga dalalka geeska Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker