MSF : Kuwa tabarta yar ma leh fursad ay ku helaan cunto
Gargaarka caafimaadka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee (MSF) ayaa ugu yeertay qorshaha cunto qaybinta Maraykanka iyo Israa’iil mid “aan shaqaynayn”.
Xooghayaha guud Christopher Lockyear ayaa sheegay nidaamka qaybinta cuntada ee la sameeyay ilaa iyo hadda ay ahayd “Musiibo’’.
‘’May 27, galabnimadii koowaad ee qaybinta ee Rafax , Koonfurta Qaza, daraasiin qof ayaa la xabadeeyay waana la dhaawacay, iyada oo gabi ahaan aysan ku filnayn tirada cuntada aasaasiga ee la qaybiyay iyada oo ay jirtay buuq,’’ ayuu qoray.
“Falastiiniyiinta- loo diiday cuntada, biyaha iyo gargaarka caafimaadka ku dhowaad saddex bilood- ayaa lagu hayay dayrka sliga, iyaga oo sugay inay helaan cuntada aas aasiga ee ay ku badbaadi lahaayeen.”
Lockyear ayaa sheegay kuwa ugu daran ee khatarta ku jira ‘’dhab ahaantii aysan lahayn fursad’’ ay ku helaan cuntooyin.
Wuxuu kaloo soo jeediyay gargaarka in loo isticmaalo “sida qalab” lagu barakiciyo dadka.