Waxa aanu kala hadalnay iskaashiga ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka, deeqaha ay Somaliland” Wasiirka Madaxtooyad
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha Somaliland ku joogo dalka Kenya, ayaa faahfaahin ka bixiyey shirar kala duwan oo ay ku qaadeen magaalada Nairobi, waxaannu yidhi;
“Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay shilal shirar ballaadhan la qaateen wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Qaramada Midooba iyo wadamada daneeya arrimaha Somaliland ee ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Finland, Sweden, Denmark, Jarmalka, Canada, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, kulankaasi oo runtii ahaa mid aad u weyn.
Waxa aanu kala hadalnay iskaashiga ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka, deeqaha ay Somaliland hesho, arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo waajahan sannadka soo socda iyo arrimaha amniga ayaanu kala kulanay oo kala sheekaysanay.
Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Kenya oo saaka kulan yeeshayna waxay ka wadahadleen arrimaha xidhiidhka labada dal oo taariikh badan wadaaga, waana laba dal oo wada ahaan jiray Maxmiyaddii Ingiriiska, waana labada waddan ee ugu dimuqraadisan Gobolka Geeska Afrika, markaa runtii waxay ka wadahadleen waxyaabaha ay labada dal iska kaashan karaan, sida dhaqaalaha iyo ammaanka badaha.
Madaxweynaha Somaliland 18 May waxa uu qoray warqad uu u kala diray in ka badan 155 waddan oo Beesha Caalamka ah, xubno ka ah Qaramada Midoobay oo uu kaga codsanayo inay Somaliland aqoonsadaan, dibna u eekaan kiiska iyo qaddiyadeeda, warqadaasi oo ay ku caddahay doodda Somaliland oo ah mid taariikhdeed iyo mid sharci, waxaanu Madaxweynuhu uu saaka fursad u helay inuu warqadaasi gacanta ka geliyo Madaxweynaha Kenya, halka Madaxweyneyaasha kale loo dirayey oo safaaradahooga la gaynayey.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadan Xuseen Cabdi oo BBC-da uga waramay safarka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Kenya.