Somaliland iyo Itoobiya oo Iska kaashanaya Kor-u-qaadista Tayada iyo Isku Socodka Ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Wakaalladda ilaalinta Tayada ee Itoobiya, oo hoos timaadda Wasaaradda Ganacsiga iyo Isku Xidhka Gobollada ee Dawladda Federaalka Itoobiya.

Wasiirka ayaa waxa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Wakaaladda, Mr. Wendmagegn Assefa.

Intii uu halkaas ku sugnaa, Wasiirka waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee wakaaladda, oo ay ka mid yihiin machadka barashada tayada, qaybaha diiwaangelinta iyo maamulida tayada, iyo sidoo kale waaxyaha kale ee maamulka wakaaladda.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada loogu jiro sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada tayada, iyo isku socodka ganacsiga.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay maamulka wakaaladda sida hufan ee ay u soo dhaweeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker