Dad tiradoodu gaadhayso 10 qof oo laga soo mastaafuriyey dalka Mareykanka oo lagu hayo Dalka Jabuuti ayaa dood ka dhex abuuray Mareykanka.
Garsoore Brian Murphy, oo ah kii horey u xukumay arrintan, ayaa Isniintii ku gacan seydhay codsi ka yimid maamulka Trump oo doonayay in la dib u eego ama la hakiyo go’aan hore oo maxkamaddu gaartay. Go’aankaas hore wuxuu u oggolaanayay muhaajiriintaas in loogu qabto habraac sharciyeed inta lagu hayo saldhigga Jabuuti.
Garsooruhu wuxuu xusay in go’aankaas hore uu la sameeyay iskaashi uu la yeeshay qareennada Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka, taasoo la micno ah in maamulka uu horey u oggolaaday nidaamka, haddana uu isku dayayo inuu ka laabto ama hakiyo fulintiisa, taasoo uu garsooruhu si cad u diiday.