Wasiirka arrimaha Gudaha oo u kuurgaley hawlaha shaqo ee Ciidanka Dabdamiska.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Mudane Cabdalle Maxmed Carab, ayaa Saaka kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Dab-damiska Somaliland.

Taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa taliska ciidanka ku soo dhaweeyay wasiirka.

Wasiirka ayaa taliyaha ka dhageystay warbixin la xidhiidha hawsha ay qaranka u hayaan, waxaanu ku boggaadiyey sida ay markasta habeen iyo maalin heeganka ugu jiraan badbaadinta bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa u kuurgaley hawlaha shaqo ee taliska ciidanka dabdamiska Somaliland, waxaanu mid mid u soo marey xafiisyadda taliska guud ee dabdemiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker