Soomaaliya oo digniin u dirtay kalluumeysatada iyo dadweynaha
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay soo saartay digniin ku aaddan badda.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay dadka uga digtay xilliga ay baddu kacsan tahay inaysan gelin.
Digniintan ayaa ku socota dhammaan kalluumeysatada iyo guud ahaan dadweynaha, waxayna wasaaraddu intaa raacisay inay ka dhalan karto khatar nafeed iyo doomaha badda ku sugan.
Xilliyada ay baddu kacsan tahay ayaa waxaa dhacda inay dadka qaar ku dhintaan sidoo kalena ay doonyuhu qallibmaan.