Khilaaf u Dhaxeeya Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida
Madaxweyne Cirro iyo Guddoomiyaha Guurtidda oo khilaaf wayni ku dhex marayo xubintii Komishanka Doorashooyinka iska casishay oo uu Madaxweyne Cirro doonayo inuu gaysto xubin aanu Saleebaan Maxamuud Aadan soo magacaabin.
Xubinta Komishanka ee hore Guurtiduu u magacawday oo xaalad caafimaad darteed isku casilay ayuu Guddoomiyaha Gurrtiddu usoo magacaabay xubin cusub oo ay isku juffo ahaayeen xubinta hore.
Hase yeeshee, Madaxweyne C/raxmaan Cirro ayaa ku soo celiyey toddobaadkan Golaha Waxaanu ku sababeeyey in uu Da’ ahaan ka yar yahay shuruudihii xubinta Komishanka looga baahnaa.
Guddoomiye Saleebaan ayaa ka biyo diiday soo celinta Madaxweynaha waxaanu ku adkaysanayaa xubinta uu magacaabay in sideeda loo qaato.
Khilaafka xubinta cusub ee la magacaabay ayaa waxa ka dhex taagan arrimo siyaasadeed oo ka fog sharciyada u taala xubinta ee dadka la tusayo, waxaana jira laba ujeeddo oo daaha dabadiisa ka hagaya.
Madaxweyne Cirro waxa uu doonayaa inuu komishanka ku qoro xubin muddo dheer la hadal hayey inuu u magacaabi doono maxkamadda sare kaasoo ka soo jeeda degmadda Dhahar, halka xubinta hore ee is casishay ay ka soo jeeday degmadda Badhan.
Guddoomiye Saleebaan ayaa isna u diidan xubintan uu Madaxweyne Cirro wato in lagu qoro Komishanka maadaama guddoomiyaha Komishanka ee imika xilka hayaa ka cabsi qabo in xilka laga qaadi doono oo lagaga cod badan doono xubnaha guddida Doorashooyinka oo laba kooxood u kala fadhiya.
Guddoomiye Saleebaan oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka ayaa isna doonaya inuu Guddoomiyaha komishanka ku ilaaliyo xubinta imika Guddoomiyaha ka ah.
Dhinaca kale, Siyaasada Somaliland ee saami qaybsiga ayaa iyana dhinaca kale saamayn kaga yeelatay labada xubnood ee la doonayo in lagu bedelo xubinta iscasishay, kuwaas oo gudahooda u arka inaanay is dhaxli karin ee xubintii hore qoyskooda loo daayo.