Dad ka badan laabatan qof oo ku dhintay dhul go’ ka dhacay koonfurta Hindiya

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waxaa laga cabsi qabaa in ay ku xayiran yihiin ka dib markii roobab mahiigaan ah ay dhaliyeen dhul go’ ka dhacay gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya.

Dhul go’a ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay degaano buuralay ah oo ka tirsan degmada Wayaanad.

Gurmadka ayaa socda, balse waxaa caqabad ku ah roobab xooggan oo da’ay iyo buundo muhiim ah oo duntay.

Maamulka deegaannadaas ayaa sheegaya in ay ku jiraan qiimeynta khasaaraha dhabta ah ee ilaa iyo hadda ka dhashay xaaladdan, maadama dhul go’u uu dhacay waqti dhow.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker