𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡 𝐟𝐮𝐫𝐫𝐚𝐲 𝐨𝐥𝐥𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta daah-furray olollaha tallaalka heer Qaran ee Carruurta, kaas oo ah mid lagaga tallaalayo cuduradda Oof-warreenka, Jaddeecadda, iyo dabaysha.
Munaasibadda Daah-furka olollaha tallaalka Qaranka ee carruurta ayaa lagu qabtay Xaafadda state house Magaalada Hargeysa,taas oo ay ka soo qayb-galleen masuuliyiinta Wasaaradda caafimaadka, dhakhaatiir iyo muddan kale duwan,waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu tallaalku u leeyahay carruurta iyo sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAX-QABAD uga go’an tahay daryeelka caafimaadka ee dhallaanka iyo hooyadda
Ugu horrayn, xubno ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda horrumarinta caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda iyo wax- tarka tallaalkan uu u leeyahay carruurta.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasibadda Daah-furka ka hadlay ayaa ku dheeraday qiimaha iyo wax tarka uu tallaalku u leeyahay carruurta, waxaany yidhi :-“talaalka adduunku qiimo gaara ayuu u leeyahay carruurtana aad buu ugu fiican yahay waxa uu ka yaraynayaa xannuunadda carruurta ku dhaca,adduunyada waa ku qariib in la arko ilmo aan talaaInayn oo soconaya markaas talaalku caruurta qiimo weyn buu u leeyahay.”
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in la joogtayn doonno tallaalka carruurta, isla markaana goob walba la geyn doonno, waxaanu xusay inay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku ay ku debageli doonnaan wasaaradda caafimaadka “Anniga iyo Madaxweynaha JSL,waanu ku dadogelaynaa Wasaaradda Caafimaadka inay goob walba oo caafimaad ay gaysay tallaalkaas,waa in la joogteeyaa talaalkaasi si ay uga faa’iidaystaan carruurta imika iyo kuwa soo dhalan doona.”
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay inay ka go’antahay daryeelka caafimaadka iyo bad-baada dhallaanka iyo hooyadda” Xukuumad ahaan waxa naga go’an mar walba inay caafimaad wanaagsan iyo daryeelba ay hellaan hooyadda iyo dhallaanku”.