Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Mucaaradka uga digtay in ay Caasimadda ka abuuraan amni darro
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadalo kasoo yeeray qaar kamid ah xubnaha Mucaaradka oo shalay ka hadlay Mowlaca Macalim Nuur oo ay ku dureen in Xukuumadda ay ku fashilantay siyaasadda dalka ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wasiiru-dowladaha Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdi Cali ayaa uga digay Mucaaradka inay ka been sheegaan ammaanka magaalada, waxaana uu jawaab uu ka bixiyay shirkii mucaaradka ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
“Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu degan yahay Airporta magaalada Muqdisho, waxaana uu aaday Siigaale, Berito hadii meel kale looga waco waa uu adaaya, yaa waaye cid ka sugeeysa ammaanka magaalada, magaalada waa amni, waana been abuur waxa uu sheegay, cidii ammaanka ka been sheegtana waxaa arkaya shacabka Muqdisho ku nool” ayuu yiri Wasiir Cumar Cabdi Cali.
Wasiiru-dowladaha waxa uu sheegay in Mucaaradka ay xaq u leeyihiin inay ku shiraan magaalada Muqdisho laakinse xaq u lahayn inay hub waa weyn ay ku qaataan Caasimadda, waxaana uu uga digay in qalalaase ay sameeyaan hadii ay dhacdana ay Dowladda arintaasi kala xisaabtami doonto.
Waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidanka shalay galbineysay Mucaaradka ay la xisaabtami doonaan ayna ka saari doonaan ciidanka Dowladda Soomaaliya, sidoo kalana ay la xisaabtan marsiin doonaan kuwa sidaasi ku kaca ee kasoo baxa furimaha dagaalka.
“Markale ayaan ku celineynaa inaan hub waa weyn loo isticmaali karin magaalada Muqdisho, magaaladaan waa magaalo amni, wax dhibaata ah ka jira ma jirto, waxaan la xisaabtami doonaa baaburta hubka waa weyn saaran yahay, askari aan lagu ogeyn mas’uul waalala xisaabtami doonaa, sidoo kalana baabuurta aan buufsaneen, qof walba oo mas’uul ah waxa uu xaq u leeyahay nambar go’an” ayuu markale kuceliyay Wasiir Cumar Cabdi Cali.
Dhanka kale wasiir Xil. Maxamed Cabdulqaad Xaaji (Jeego), oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo Badbaado Qaran 2 kadib markii 24kii saac ee lasoo dhaafay baraha bulshada uu qabsaday shirkii xubnaha Mucaaradka ku qabteen Mowlaca Macalim Nuur.