Puntland: Hggaanka SSC Khatumo Laguma aamini karo waxbarashada ardayda SSC

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in aysan ka aamusi karin sida uu sheegay gaabka waxbarasho ee ay wajahayaan ardayda ku nool degaanada SSC Khaatumo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay, in saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ardayda ku nool gobollada Sool iyo Cayn la kulmayeen dib u dhac waxbarasho, kaddib markii maamulka SSC Khaatumo uu waxbarashada deegaanadiisa hoos geeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilyaas Lugatoor ayaa ku eedeeyay hoggaanka maamulka SSC Khaatumo inuu ku mashquulay u durbaan garaacista madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo xisbigiisa Xamar.

“Haggaanka SSC Khaatumo Laguma aamini karo waxbarashada, hadddana waxay Ku mashquuleen durbaanka Hasan Shiikh “ayuu yiri Madaxwayne ku xigeenka Puntland

Lugatoor wuxuu sheegay in waxbarashada Taleex iyo Buuhoodle ay u hayaan lacag dhan 10 milyan oo Dollar. Waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo waxbarashada, isagoo sheegay inay muddo ka aamusnaayeen arrimaha deegaanada SSC.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa kusoo beegmay, iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wargalisay maamulka SSC in aysan wax qarash ah u haynin qarashaadka ku baxaya imtixaanka shahaadiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker