Ingiriiska oo uu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Israa’iil
Ka dib in ka badan muddo sanad iyo bar ah oo uu socday dagaalka Qasa, Ingiriiska ayaa u muuqda in ugu dambeyntii uu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Israa’iil.
Raysal wasaaraha Ingiriiska, Sir Keir Starmer iyo xoghayaha arrimaha dibadda, David Sir Keir, oo la hadlayay xildhibaanada dalkaas, ayaa labadooduba u hadalladooda ka muuqday xanaaq.
Raysal wasaare Keir Starmer ayaa sheegay, in heerka dhibaatada ka jirta Qasa gaar ahaan carruurta ay tahay “wax aan loo dulqaadan Karin”.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay go#aanka Israa’iil ee ah in ay ogolaato in yar oo gargaar ah gudaha Qasa, taas oo uu sheegay inaysan “gebi ahaanba ku filneyn”.
Ingiriiska ayaa ku biiray waddamada Faraansiiska iyo Canada, kuwaas oo wadajir u saxiixay bayaan xooggan oo lagu cambaareynayo tallaabada ay Israa’iil ku ballaarisay milatarigeeda.