Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo shaaciyay sababta ka dambeysa in Qasa loo oggolaado gargaar kooban

Israa’iil waxay sheegtay inay ogolaatay shan gaari oo xamuul ah oo Qaramada Midoobay leedahay, kuwaasoo siday gargaar bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunto ilmaha loogu talagalay, kaddib 11 toddobaad oo xannibaad ah.

Mas’uulka arrimaha bini’aadantinimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas, hase yeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay in ay tahay oo keliya ” dhibic biyo ah oo bad weyn ku dhacday, xilli ay jirto baahi degdeg ah, waxaana 2.1 milyan oo Falastiiniyiin ah ay ku nool yihiin dhul burburay oo ay dagaallo halis ah ka socdaan, halkaas oo khubaro caalami ah ay ka digeen macluul imaan karta.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in go’aankiisa ku-meel-gaarka ah ee uu gargaarka kooban ugu ogolaaday Qasa uu yimid kadib cadaadis uga yimid xulufo uu ku leeyahay Aqalka Sare ee Mareykanka.

“Ma doonayno in aan gaarno xaalad macaluul ah,” ayuu yiri Netanyahu isagoo ka jawaabayay dhaleeceyn uga timid gudaha Israa’iil.

Netanyahu ayaa sheegay in gaarsiinta cunnada ay sii socon doonto oo kaliya ilaa ciidamada Israa’iil iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka sameynayaan goobo lagu qaybiyo gargaarka iyadoo la raacayo qorshe Maraykanku taageeray oo ay diiday Qaramada Midoobay.

Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in ciidamada Israa’iil ay “la wareegi doonaan dhammaan aagagga” Qasa, taasoo qeyb ka ah weerarka dhulka ah ee ballaaran ee ay Israa’iil Axaddii ka bilowday halkaa si ay ula dagaallanto Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker