Raysal wasaare Xamse oo eedeyn kulul u jeediyay dowlado shisheeye
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa “dowlado shisheeye” oo aanu magacaabin ku eedeyay in ay siyaasiin Soomaali ah siinayaan laaluush si ay taako ugu dhigaan horusocdka dowladda iyo guudahaan umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in marka la gaaro xilligaan oo kale ay dowladahaasi dhaqaale siiyaan siyaasiin Soomaali ah si meesha looga saaro laba arrimood ah in dalka ay doorasho qof iy cod ah ka dhacdo iyo in loo midoobo difaaca dalka.
Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo xalay kula hadlayay magaalada Muqdisho, dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladaha ajaanibta ah ee lidka ku ah horumarka Soomaaliya ay diidanyihiin in Soomaaliya la soo baxdo khayraadkeeda isla markaan ay u madax bannaanadaan arrimahood.