Puntand: PSF waa ciidan u shaqeeya Xasan Sheikh Maxamuud oo raba inay fowdo ka sameeyaan Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali Jifo-jabsade, ayaa ku eedeeyay ciidanka PSF, inay u adeeggaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku lug leeyihiin falal sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay PSF ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwo si gaar ah loogu talagalay abuurista isku dhacyo ciidan iyo fowdo, taas oo lagu carqaladeynayo xasilloonida magaalada Gaalkacyo.

“Xasan Sheikh iyo tiimkiisa bay hoosta uga jiraan. Madaxdoodana halkaas bay ku biireen. Waa kuwa raba inay ummadda dhiiggooda iyo hantiooda xaalalaystaan weeye,” ayuu yiri guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay maamulka Galmudug in aysan wax wada shaqayn ah la yeelan ciidamadan, isla markaana ay iska kaashadaan cid kasta oo halis ku ah amniga guud ee gobolka Mudug.

Wuxuu intaas ku daray in PSF horey u diideen inay ka qeyb qaataan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli ciidamada PSF ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo. Ciidamada ayaa la xaqiijiyay inay kasoo baxeen Koonfurta Mudug, iyagoo iskaashi la leh ciidanka Danab ee hoos taga dowladda Federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker