Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo hoygiisa booqday Suldaan Xasan Xaddi Baade oo u jiifa xaalad caafimaad.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa hoygiisa Magaalada Borama ku booqday Suldaan Xasan Xaddi Baade oo u jiifa xaalad caafimaad.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Suldaanka ka waraystay Xaaladdiisa Caafimaad ee uu hadda ku sugan yahay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa u duceeyey Suldaan Xasan Xaddi Baade, waxa aa ALLAH SWT uga beryey in uu siiyo caafimaad taam ah.