Israa’iil oo ku dhawaaqday go’aan ku saabsna Qasa xilli xaalad adag ay halkaa ka taagantahay

Isra’iil ayaa ku dhawaaqday inay oggolaan doonto ” qaddar kooban oo ah cuntada aasaasiga ah” in la geliyo Qasa si loo hubiyo in “aysan dhalan dhibaato gaajo,” kadib markii ay 10 toddobaad go’doomin ku haysay dhulkaasi.

War kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in go’aanka la qaatay kadib talo kasoo baxday Ciidanka Difaaca Isra’iil (IDF), taas oo salka ku haysa baahida loo qabo in la taageero howlgalka milatari ee cusub ee ka dhanka ah Xamaas.

Ku dhawaaqista ayaa timid saacado un kadib markii ciidanka Isra’iil ay sheegeen inay bilaabeen “howlgallo dhulka ah oo baaxad leh” guud ahaan Qasa.

Isra’iil ayaa cadaadis xooggan waxaa saaray caalamka si ay u qaaddo go’doominta, taasoo muddadii socotay aysan cunto, shidaal iyo daawooyin midna gelin dhulkaas.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay khatarta macaluul soo food saartay shacab ku sugan Qasa oo gaaraya 2.1 milyan, iyadoo ay soo baxeen muuqaallo muujinaya carruur tabar-daran oo nafaqo-darro la ildaran

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker