Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka hadashay qarax shalay ka dhacay Muqdisho

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa cambaareysay qarax shalay magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraatka ayaa lagu cambaareeyay“falalka dembiga” waxaana lagu sheegay diidmada qayaxan ee Imaaraatka ee dhammaanba falalka rabshadaha ah ee looga gol leeyahay carqaladeynta ammaanka iyo nabadda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska dhibbanayaasha iyo dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa uu shalay subax ka dhacay bannaanka xerada Damaayo.

Xoogagga amaanka ayaa go’doomiyay goobta, iyadoo ay sidoo kale ka bilaabeen baaritaan.Marka uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa xerada ka socotay ciidan qoris dhalinyarada ah.

Qaraxan ayaa la mid ah kii sanadkii 2023 dhacay markaas oo nin is soo miidaamiyay oo 25 askari ku dilay xerada Jaalle Siyaad oo kasoo horjeedda xerada Damaayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker