Qaramada Midoobay oo dhimeysa gargaarkii bini’aadantinimo ay ku bixin jirtay Soomaaliya iyo Yemen
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay sanadkaan ku qasbanaan doonto in ay dib u eegis ku sameyso qorshaheeda gargaarka ee Soomaaliya iyo Yemen, sababo la xiriira dhimista deeqaha bini’aadantinimo ee caalamka, inkastoo baahiyaha labada dal ay weli yihiin kuwo isku heer ah.
Shir jaraa’id oo ay ku qabatay New York, Stephanie Tremblay oo ka tirsan xafiiska afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ururku uu sameeyay dib u eegis dhamaystiran jawaabaha bini’aadantinimo labadii bilood ee la soo dhaafay laga bixin karo.
Waxay intaa ku dartay in dhaqaale dhimista aan horay loo arag ee ay soo martay waaxda bini’aadantinimo ay ku qasbayso hay’adda iyo la-hawlgalayaasheeda inay si weyn u dhimaan barnaamijyada naf-badbaadinta ee ay wajahayaan malaayiin nafood ee ku sugan adduunka oo dhan.
Ms. Tremblay waxay ku nuuxnuuxsatay in waxa ay rabaan ay tahay in la isticmaalo kheyraadka ay leeyihiin labadaan dal si loo hubiyo in tirada ugu badan ee gargaarka naf-badbaadinta ay gaarto dadka aadka u nugul.
Waxay intaa ku dartay in dhammaan baahiyaha iyo jawaabaha lagu sheegay qorshayaasha bini’aadantinimo ee 2025 ay yihiin kuwo sax ah oo degdeg ah, iyada oo intaa ku dartay in haddii maalgelin dheeraad ah la helo, in jawaabadaha la ballaarin doono si loo daboolo dhammaan dadka la beegsanayo, ee gargaarka u baahan sidii markii hore la qorsheeyay.
“Cawaaqib xumada ka dhalan doonta waxay noqon doontaa mid aad u xun haddii aanaan ka soo bixin yoolkeena,” ayay tiri Tremblay, iyadoo intaas ku dartay in malaayiin qof ay la kulmi doonaan gaajo daran oo ay heli doonin biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.
Waxa ay sheegtay in heerka dhimashada iyo xanuunada la filayo in ay sare u kici doonaan marka ay xirmaan xarumaha caafimaadka iyo marka ay cudurada dilaacaan, si la mid ah dhibaatooyinka kale.