Puntland oo adkaysay shuruudaha Baasaboorka Somaliya.
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa adkeeyay habraacyada la xiriira bixinta baasaboorka, si gaar ah dhalinyarada, kadib markii ay soo kordheen dhalinyarada tahriibka u safraysa.
Tallaabadan ayaa timid xilli todobaadyadii u dambeeyay ay ciidamada ammaanku xireen dhalinyaro badan oo looga shakiyay in ay qorsheynayeen tahriib, kuwaasoo lagu qabtay magaalada Garowe iyaga oo isku diyaarinaya safar.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hay’adda Dambi-baarista Puntland, waxaa la adkeeyay shuruudaha bixinta warqadda dembi-la’aanta oo kamid ah shuruudaha looga baahan yahay qofka doonaya in uu codsado baasaboorka.
Tallaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo qulqulka dhalinyarada dalka ka baxaya si tahriib ah.
“Waxaan ogaanay in dhalinyaro badan oo baasaboorka qaadanaya ay yihiin kuwa u socda tahriib, taas ayaana nagu qasbay in aan si dhow u eegno codsiyada, gaar ahaan kuwa dhalinyarada ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adda Dambi-baarista Puntland
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhalinyaro badan oo ka tagay degaanaada Puntland ay ku geeriyoodeen badda Mediterranean.