Ninkii isha ka riday Salmaan Rushdi oo xabsi 25 sano lagu xukumay
Ninkii toorreyda ku dhaawacay qoraaga caanka ah ee Salman Rushdie ayaa lagu xukumay 25 sano oo xarig ah.
Hadi Matar oo 27 jir ah ayaa lagu eedeeyay isku day dil.
Bishii Agoosto 2022, Rushdie wuxuu ka hadlayay masraxa markii ninku uu si isdaba joog ah toorreyda uga dhuftay wejiga iyo qoorta.
Marka laga soo tago in hal il uu waayay, Rushdie waxaa soo gaaray dhaawac beerka ah waxaana uu naafo ka noqday labada gacmood sababo la xiriira xaalad neerfaha ah.
Weerarku wuxuu dhacay sannadguuradii 35-aad ee daabacaadda buuggiisa muranka dhaliyay ee ‘Aayaadka Shaydaanka’.